Amiirka xarakada mujaahidiinta Alshaab oo ka hadlay aasaaska xaarkada iyo ujoodooyinkii loo dambeysay

0
511

 

Wararka somaliya (warsom.com)

Amiirka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo wareysi gaaar ah siiyay idaacada Al-Andulus ayaa sheegay in hadafkii loo aasaasay xarakada  Al-shabaab ay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa khilaafadii Islaamka iyo in sharciga Alle la isku maamulo.

Sheekh Abuu-Zubeyr wuxuu sheegay in manhajka Al-shabaab uu yahay Ahlusunna Waljamaaca, ayna ku joogaan jidkii saxaabada iyo culummadii kale ee ka dambeeyay.

“Hadaflka Al-shabaab loo aasaasay waa asal u ah soo celinta khilaafadii Islaamka, in diinta Islaamka la oogo iyo in laga hortago duulaanada looga horjeedo Islaamka ee ka jira dunida,” ayuu yiri Amiirka Al-shabaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ahdaafta ay ka mid tahay in laga hortago ka hortaga xukuumada cilmaaniga ah, ummaddana lagu mideeyo diinta islaamka iyo in lasoo furto muslimiinta ku xiran xabsiyada.

“Waxaan hadafyadeenna ka mid ah in laga hortago kuwa doonaya inay ummadda boobaab si ay isugu fillaadaan. Runtiina ahdaaftaan qaarkood waa la xaqiijiyay kuwo kalena waa dhiman yihiin,” ayuu amiirku hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu mucaaraday maxkamadihii Islaamka ee awoodda kala wareegay Muqdisho hoggaamiye kooxeedyadii, isagoo sheegay in mas’uuliyiinta maxkamada ay ku jireen kuwo doonayay xilligaas in awoodda lala qaybsado xukuumaddii markaas jirtay ee C/llaahi Yuusuf.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inay kala miirmeen oo ay kala baxeen iyaga iyo raggii uu sheegay inay doonayeen in xukuumadda wax lala wadaago, isagoo sheegay inay ku taagnaan doonaan dariiqa ay ku taagan yihiin illaa ahdaaftooda ay uga suuro-galayso.

Wareysigan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo Amiirka Al-shabaab uu si toos ah u siiyo idaacadda ku hadasha afkooda, iyadoo Xarakada Al-shabaab oo ka talisa inta badan gobollada Koonfurta iyo bartamaha lagu eedeeyaa inay ku kacdo falal ka dhan bani’aadamnimada.