Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com Shir uu isugu yimid xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uuna shir gudoominayey kusimaha m/wene darman ahna gud kuxigeenka xmjs cali maxamed nuux ayaa lagaga hadley qodobo badan oo la xiriira siyaasada iyo marxalada dalku marayo waxaana dood iyo falaqeyn ka dib shirka kasoo baxey qodobadan:- 1 x m j s/usrp wuxuu kasoo horjeedaa wax kama jiraana ku sheegayaa shir ku sheega wada tashiga lagu sheegey ee muqdisho kusoo gabangaboobey kaasoo waddo khaldan somalia kuwada dhamaana hawlaha uu wado ergeyga q/m ambasadar mahiga ma noqon karaan kuwo xalka somalia xalila ee waa kuwo qas iyo qalaanqal hor leh ka abuuraya bulshada iyo qabaa'ilka somaalida. 2 Dalka waxaa ka jira xisbiyo nabadeed oo aan hubeysneyn kuwaasoo ka hawl gala dalka gudihiisa iyo debadiisa hanaan siyaasadeed oo cadna leh mar kastana ka maqan shirarka soomaalida loo qabto iyadoo lagu bedello wax ay ku sheegaan bulshada rayidka ah taas oo aan u aragno xaqiiqda oo leyska indha tirayo iyo xalka somalia oo aan loo socon. 3 X M J S/U S R P Wuxuu kasoo horjeedaa sharcidarro qaawana ku sheegayaa soo gelitaanka ciidamada dawladaha dariska la ah soomaaliya sida kenya iyo ethopia taas oo keeni karta kacdoon shacab iyo dagaalo lagu hoobto waxaa sidoo kale imaan kara in dhalin yaro badani ay debadaha kasoo laabtaan si ay dalkooda hooyo u difaacdaan iyo arimo kale oo ay keeni karto soo gelitaanka somalia ee wadamada safka hore ee deriska la ah somaalia. 4 X M J S/U S R P Wuxuu shacbiga soomaaliyeed iyo maamulada ka jiraba ugu baaqayaa in ay u wada guntadaan difaaca dalka cadawga debadu in uu ka qatar badanyahey kan gudahana la wada fahmaa. 5 X M J S/U S R P Wuxuu ugu danbeyntii ka codsanayaa caalamka iyo dawladaha aynu saaxiibka nahey in la furo lana taageero wada hadalo xaqiiq ah oo ay ku jiraan xarakada alshabaab si looga baxo dhibka kutiri kuteeka iyo in mar kasta dhibaato loo geysto dad aan waxba galabsan iyadoo lagu ganbanayo alshabaab ayaan la dagaalameynaa. Xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed oo ah xisbiga koowaad ee soomaaliya ayaa soo dhaweynaya xisbiga jamhuuriga somaliland oo dhawaan looga dhawaaqey somaliland anagoo rajeyneyna in puntlandna dhawaan lagaga dhawaaqo. Rajadeenu waa guul iyo horumar ayaa qoraalka lagu soo gabangabeeyey