Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dhaliilay Siyaada Ergayga QM Mr Augustina Mhiga

0
603

Wararka Soomaaliya ( wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)

Ka Dib Kulan ay Maanta qaar a Mid ah Mudanayaa Baarlamaanka Soomaaliya Ku Yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa Waxa ay Ku Cambaareeyeen Howsha Qaldan ee Uu Faraha Kula Jiro Ergayga gaarka Ee QM U qaabilsan Arrimaha Somaliya Mr Augustina Mhiga Waa Sida ay Warka U Dhigeene

Mudanayaashaan Baarlamaanka ayaa Waxa ay cadeeyeen In ay Si Kulal uga Soo Horjeedaan Siyaasada Uu Augustina Mhiga Kula Dhaqmay Dowladda Soomaaliya Waxa ayna Ku Eedeeyeen In Uu Si Qaldan ugu Tagsi Faralayo howsha ay QM U Soo Idmatay

Xildhibaan Sulaymaan Maxamed Ibraahim Oo ka Mid ah Xildhibaanada Maanta Kulmay Oo warbaahinta La hadlay ayaa Shaaca Ka qaaday In ay Daacwad ka Dhan ah Augustina Mhiga U Gudbin Doonaan Xoghayaha Guud ee QM Mr Ban KI Moon

Sidoo Kale Waxa ay Xildhibaanadan Sheegeen In ay Jiraan Rag Ka Tirsan Dowladda oio U Gurbaan Tumaya Ergayga wallow aysan Si cad U Sheegin Cidda ay Yihiin

Si Kastaba Hadalka Mudanayaashaan baarlamanaka ka Tirsan ayaa Imaanaya Xili ay Jireen Dhaiilo Loo Soo Jeediyey Ergayga Gaarka ah ee QM U Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya

Wararka Soomaaliya ( wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)