Xildhibaanada dawlada oo kasoo horjeestay soo galitaanka ciidamda ethopai iyo Kenya

0
561

 

(wakaalada wararka somaiya warsom.com)

Xildhibaan Maxmed Xuseen Gaagaale oo ka mid ah mudanayaasha baaralamaanka Dowladda KMG ee Soomaaliya oo u waramayay warbaahinta  Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in aysan ogolaan doonin mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya in dalka ay yimaadaan Ciidamada ka socda wadamada dariska la’ah soomaaliya.

 

Xildhibaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in xiligan aan loo baahnayn in ay dalka Soomaaliya iska soo galaan ciidamo ka socda wadamada safka hore islamarkaana loobaahan yahay in marka ay soo galayaan ciidamada wadamada safka hore ay ku soo galaan sharci ay ogolaadeen Qaramada Midoobay iyo Shacabka soomaaliyeed.

Xildhibaan Gaagaale ayaa sidoo kale hadalkiisa sii raacsaday in Soomaaliya aanay aheyn wadan Markasta la iska soo galayo markii laraba laga baxayo waxa uu shaaca ka qaaday in la doonayo in imaantinka ciidamada wadamada safka hore ay ku soo galaan sharci cadaynaya soo galitaankooda iyo waqtiga ay dalka dib uga baxayaan.