Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Kuwa Militaarka ayaa maanta waxa ay Gudaha Deegaanka Suuq Liif Ee Degmada Dharkeyley Ku Dileen Xildhibaan Ka Tirsan Mudanayaasha Baarlamanaka Soomaaliya
Xildhibaan la Dilaya ayaa Lagu Magacaabi Jiray Xildhibaan Aadan Buulle Maxamed Waxa Uuna Ka Mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Ee Ka Soo Jeeda Gobolka Gedo
Dilka Xildhibaan ayaa Yimid Ka Dib Markii Ciidamada Ka Tirsan Kuwa Dowladda gaar ahaan Kuwa Ku Sugan Deegaanka Suuq Liif Rasaas Hubiyeen Gaari Uu Watay Xildhibaan
Sidoo kale Wararka Qaar ayaa Sheegayaa in Dilka Xildhibaan Uu Yimid Ka Dib Markii Dabley Hubeysan oo Xoog Ku Haysato Guri Uu Xildhibaanka Lahaa ay Rasaas Hubiyeen Gaariga Xildhibaan
Dadka Deegaan ayaa Inoo Xaqiijiyey In Xildhibaanka ay Dileen Dad Layaqaano Ruux Magaciisa Ka Gaabsaday In La baahiyo Cabsi Amni Aawadeed ayaa Sidaan Ku Sharaxay Qaab Uu U Dhacay Dilka Xildhibaanka
” Xildhibaanka Waxa Uu Muddooyinkaan Dambe Ku Soo Laab Laabanayey Guri Uu isago Lahaa Oo Muddo 10 Sano ah Xoog Looga haystay Waxana Jiray Muran Baahsan oo La Xiriiray Isaga Iyo Kooxihii Xooga Ku Haystay Guri Maanta Waxa Uu Yimid Guri Waxa uu Muran Dhex Maray Dadkii Haystay Guri Oo ay kU Jireen rag Labisan Dress-ka Ciidamada Isla Markaan Ku Hubeysnaa Qoryaha Loo Yaqaan AK47 Xildhibaanka waa Uu Iska Soo Baxay ka Dibna Waxaa Ka Soo Daba baxay Ragii Hubeysnaa rasaas ayeyna Ku Rideen Intaa Ka Dib Xildhibaanka waxa :Loo Qaaday Isbitaalka Madiina Halkaasi ayuu Ku Geeriyooday “
Marxuumka Dhintay ayaa Waxa Uu Ahaa Shaqsi Qadarin Buuxdo Ku Leh Xubnaha Baarlamanaka Dhexdooda Isla Markaana Wax auu KU Jiray Dad U Ololeenayey In Al Shabaab Laga Ceyriyo Gobolka Gedo Wallow Uu Ahaa Gurbaawi
Si Kastaba Waa Arin Ku Cusub Deegaanada ay Dowladda Maamusho In Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka ay Dilaan Isla Rag Ka Tirsan Dowladda KMG EE Soomaaliya
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)