(Wakaalada wararka soomaaliyed Warsom.com)
Xarkada mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxay jawaab xasaasi ah ay ka bixisay Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo loo-ogolaaday inay ka qeyb qaataan, dagaalada lagu doonaayo in Xarakada Al Shabaab looga saaro dalka Soomaaliya oo dhan.
Bayaan ay soo saartay Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa si weyn looga hadlay Ciidamadda Dowladda Itoobiya ee loo-ogolaaday inay ka dagaalamaan dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ku macneysay mid lagu doonaayo in lagu qabsado dalka Soomaaliya.
Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in Urur Goboleedka Igad uu qorsheynaayo in uu la-wareego dalka Soomaaliya, isla-markaana uu citib-tiro shacabkeeda, taasoo lagu sheegay mid aysan Al Shabaab u dul qaadan doonin.
Bayaanka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in Ciidamadda Dowladda Kenya markii ay ku fashilmeen gudaha dalka Soomaaliya, ay Igad dalbatay inay ku soo xoojiso Ciidamadda Dowladda Itoobiya.
Hase ahaatee Bayaankaan ayaa waxaa lagu sheegay in markale khasaaro xoogan loo-geysan doono Ciidamadda Dowladda Itoobiya ee gudaha u soo gallay dalka Soomaaliya, isla-markaana Al Shabaab ayaa waxay sheegtay inay xoojin doonto, dagaalada ay kula jirto Ciidamadda Itoobiya iyo Kenya.
Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayaa waxay ku dhiira-gellisay inay la-dagaalamaan Ciidamadda Dowladda Itoobiya ee gudaha u soo gallay dalka Somaliya, waxay sheegtay in Igad ay dooneyso in dalka Somaliya ay qabsato, ayna cagta mariso shacabkeeda.
Waa markii ugu horeysay oo ay Xarakada Al Shabaab si weyn uga hadasho, Urur Goboleedka Igad oo Jimcihii lasoo dhaafay ogolaaday, in Ciidamadda Dowladda Itoobiya ay caawiyaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Dowladda Kenya oo Amisom ka mid noqon doona.
Booqo Warsom.com hooyga runta iyo xaqiiqda wararka soomaalia