Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Wasiirka wasaarada Garsoorka Iyo Arimaha Diinta Xukuumada KMG ee Soomaaliya Mr Goboobe ayaa Shaaciyey In maalinka Berito ah ay tahay Maalinka 1-aad Ee Ciiddul Adxaa Maadaama maanta Muslimiinta Caalamka ay wajahayeen Banka Carafo
Wasiirka Oo Ka Mid ah Xujeyda sanadkaan Gudanaya waajibaadka Xajka ayaa isagoo Ku Sugan Gudaha waajidbaadka xajka La hadlay Warbaahinta Gudaha dalka Soomaaliya waxa Uuna Shacabka Soomaaliyeed Hawada U Mariyey Hambalyada Iyo farxadda maalinka Ciida Oo Beri Ku Asteysan
Dhanka kale U Diyaar Garowga maalinta Ciida Oo Beri Ku Beegan ayaa Si Weyn Looga dareemayaa Guud Ahaan Suuqyada Magaalada Muqdisho Iyadoo dadka ay Si Heer sare ah U Dukaameysanayaan
Dukaameesiga U Ballaaran ayaa waxa Uu Si Toos kaga Soconayaa Suuqyo fara Badan oo aan Ciidii Hore Laga Dukaameysan Sida Suuqyada Ku Yaala Deegaanada ay Dowladda Dhawaan gacanta Ku Dhigeen Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda wararka Soomaaliyeed Ee warsom)