Shiikh Fu’aad Max’ed Qalaf Oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca

0
582

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Madaxa Dacwada Xarakadda Al Shabaab Shiikh Fu’aad Maxamed Qalaf Abuu C/raxmaan Assokori Ayaa Dagaal Dhanka Afka ah Waxa Uu Ku qaaday Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca Oo Ka Mid ah garabyada Hubeysan ee gacanta Ku Haya Qaybo Ka Mid ah Gobollada Dalka Soomaaliya isla Markaana dagaalka Xoogan Kula Jira Xarakadda Al Shabaab

Shiikh Fu’aad ayaa Sheegay In ay Xaaraan tahay In Magaca Ahlu Sunna Loogu Yeero Kooxda Haatan Sheeganayso Isla markaana Madaxda Ahlu Sunna Hor Kacayso aysan Ku Sifoobin Magacnaha Uu Xanbaarsan yahay Magacaasi

Sidoo Kale Shiikh Fu’aad ayaa Ururka Ahlu Sunna Ku Tilmaamay Koox Aan sal Iyo Raad Midna Ku Lahayn Diinta Islaam waa Sida Uu Hadalka U Dhigay Waxa Uuna Warbaahinta Ugu Baaqay In Joojiyeen Isticmaalka Magacaasi gaar Ahaan Warbaahinta Mujaahidiinta ayuu Yiri Shiikh Fu’aad

Shiikha ayaa Hadalkaani Ka Sheegay Mid ka Mid ah warbaahinta Ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)