Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)
Mid ka mid ah Saraaksha Nabad Sugida Qaranka dowlada TFG-da Somaaliya ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho kadib marki uu askari ka tirsan Ciidamada police-ka rasaas ooda kaga qaaday.
Maxamed Cabdulaahi Colaad (Farabadan) oo ah Marxuumka la dilay ayaa lagu aasay maanta magaalada Muqdisho iyadoona ay Aaskiisa Ka Qeyb Galeen Shacab aad u Farabadan iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada TFG-da
Sidoo Kale waxa ay wararku sheegayaan in lagu dilay meel u dhaw gurigiisa oo ku yaala degmada Hodan Oo ay Degnaayeen qoyskiisa.
Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida ayaa waxa ay Warsom U Cadeeyeen in uu Marxuumka Geriyooday uu ka mid ahaa saraakiisha ugu fir fircoon ciidamada Nabad Sugida Qaranka oo ah ciidan ka tirsan dowlada hadana ka madax banaan ciidamada kale.
Marxuum Colaad Askariga dilka u geystay ayaa la sheegay in la qabtay, iminkana uu ku jiro gacanta ciidamada nabadsugida dowlada TFG-da.
Askarta Nabad Sugida Qaranka dowlada Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay yihiin ciidamo si gaar ah u tababaran shaqadooduna ay tahay ugaarsiga Xarakada Mujaahidiinta Al Shabab,
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)