Safaarada Turkiga Ee Soomaaliya Oo Howlaheeda Shaqo Dib Ugu Biloweysa Magaalada Muqdisho

0
525

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Dr Koni oo ah Safiirka dowladda Turkiga U fadhiya dalka Soomaaliya oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in safaarada dowlada Turkiga  ku lahaanjirtay magaalada Muqdisho ay haatan Dib u howlgalayso Iyadoona ay Iminkaba Socoto Howlaheeda.

Safiirka Dowlda Turkiga wakiilka ugu ah dalka soomaaliya Dr Koni oo ka soo degey garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde ayaa  sheegay in xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga uu meel hagaagsan marayo

Waxa uu sidoo Kale Sheegay in markaan ay dowlada Turkiga diyaar u tahay in ay gacan ka geysato arrimaha Howlo Dhowr Ah Oo Uu ka Xusay Dhanka Amaanka iyo waliba arimpo farabadan.

Xaamud Cali oo isna ah Wasiiru dawlaha wasaarada arimaha dibadda Dowlada TFG-da ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibada ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta Dr Koni safiirka soomaaliya ugu wakiilka ah Dowlada Turkiga.

Iyadoo horey Looga Bartay  Dowlada Turkiga In ay  gacan laxaad leh ka geysato sidii gargaar loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu daashadeen Ee ka soo barakacay Gobolada Dalka Soomaaliya soona gaaray magaalada Muqdisho ayaa haatan Dalka Ka Fureyso Safaaradeeda

Dowlada Turkiga ayaa horey Ugu furtay Xarumo caafimaad oo lagu dabiibayo Bukaanada u Dhashay Dalka Soomaaliya Arday Farabadanna  ka Dhoofisay Dalaka Soomaaliya Iyadoo Dalka Dibadiisa U Geysay Sidii Ay Dalkoodii U Hormarinlahaayeen.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)