Wararka Soomaaliya ( Shabakadda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa xalay Xafiiskiisa ku qaabilay Wufuud ka socda Hay’adda bisha cas waxa uuna uga mahad celiyey dowlada isutagga Imaaraadka Carabta iyo shacabkeedaba deeqaha ay soo gaarsiiyeen shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha daashaday
Ra’iisul Wzaare Gaas oo xalay qaabilay Wefdigasi ka socda Hay’adda bisha cas ee dalka UAE oo uu horkacayo Mohamed Kalifa Al-kamazi oo ah Madaxa xafiiska Hay’adda bisha cas ee dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aaney marna ilaawi doonin taageerada hagar la’aaneed ee ay u hayayaan UAE
Mudne Gaas ayaa sidoo kale uga mahad celiyey Hay’adda bisha cas ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta deeqaha wax ku oolka ah ee ay had Iyo Jeerba soo gaarsiiyaan Barakacayaasha ku jira xerada Kuyaala Magaalada Muqdisho.
Wararka Soomaaliya ( Shabakadda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)