Qaraxyo qasaaro xoogan ka dhasay oo manta ka dhacay muqdisho

0
508

Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com

Qarax ayaa wuxuu barqanimadi manta  ka dhacay degmada Wardhiigley, iyadoo qaraxu uu ka dhashay walxaha qarxa oo ay ku ciyaarayeen qaar ka tirsan caruurta degmada Wardhigleey.

Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Maxamuud Xarbi ee degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, isla-markaana qaraxa ayaa ka dambeeyay, kadib markii caruur yar-yar ay ku ciyaareysay hubkii haraaga ahaa ee ay Al Shabaab uga tagtay magaaladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa wuxuu sababay dhimashada laba caruur ah iyo shan kale oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, kuwaa oo dhamaantood ka mid ah caruurta ku dhaqan degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

Caruurta ay dhaawacyadu soo gaareyn ayaa waxaa lagu soo waramayaa in laga qaaday goobtaasi, isla-markaana goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Ciidamadda Dowladda Somaliya ee aagga degmada Wardhiigley.

Sidoo kale dadweyne fara-badan ayaa waxay soo xoomeyn goobta uu qaraxu ka dhacay, isla-markaana dadweynaha ayaa waxay isla dhex marayaan in qaraxu uu ka dhashay, walxaha qarxa oo ay garaacayeen caruurtaasi.

Qaraxa kale oo  ka dhacay meel u dhow fariisin ciidamo ka mid ah dowladda ay ku leeyihiin nawaaxiga Jaamacadda Umada ayaa waxaa ku geeriyooday hal ruux oo aan la ogeyn waxa uu yahay askari ama shacab  halka 2 kale oo rayid ahna ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah uu ahaa gaari dameerle sida Shabelle u xaqiijiyeen dad deegaanka ah oo dhacdadaasi goobjoog u ahaa.

Waxaan I soo badanya qaraaxyada ka dhacay magalaada muqdisho iyadoo shalay ay magaalada muqdisho ay ka dhaceen sadax qarax oo ay ku dhinten in kabdan 12 ruux