Qarax qasaaro geystay oo lala beegsaday haweenka nadaafada dharkenlee

0
468

Wakaalda wararka soomaaliyeed warsom.com

Ugu yaraan 6-ruux oo haweeb u badan ayaa geeriyooday tiro ka badan 10-dhaawacyo ayaa soo gaareen kadib markii dad ku hawlanaa olole nadaafadeed maanta qarax lagula eegtay degmada Dharkeuynlay ee gobolka Banaadir.

Dhamaan dadka ay dhibaatadu soo gaartay ee maanta geerida iyo dhaawaca martida u noqday waxay ahaayeen rayid ku hawlan sidii u nadifin lahaayeen qaar kamid ah waddooyinka degmadaasi, qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkeynlay.

Haween, Carruur iyo dad waayeel ah ayaa kamid ahaa dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ee maanta qaraxa lagula eegtay degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynlay Macalin Cabdulle oo qaraxa ka hadlay ayaa sheegay in qaraxa ay ka dmabeeyeen Al shabaab isla markaana ay la eegteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo ku baaba’ay goobta qaraxu ka dhacay.

Waa qaraxii 4-aad ee maanta oo keliya ka dhaca magaalada Muqdisho waxaana ka horeeyey qaraxyo mid kamid ah lala eegtay Abaanduulaha Ciidamada Dawladda KMG ah Gen C/kariin Yuusuf Dhegaban kaasi oo saaka nin isa soo miidaayey uu isku qarxiyey xerada Ciidamada ee Villa Baydhabo