Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay xarunta Villa Baydhab ee magaalda muqdisho

0
477

 

Wakaalda wararka soomaaliyeed warsom.com

Qarax ayaa   saakay ciidamada militariga dowladda KMG Soomaaliya lagula eegtay Xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasina ay sheegteen Al Shabaab.

Qaraxa oo uu fuliyay nin soo xirtay dareeska ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa saakay aroor hore ka dhacay xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ah xarunta ugu weyn ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Ruuxa qaraxa geystay ayaa waxaa la sheegay in uu ka faa’ideystay ciidamada ilaalada ka ahaa xaruntaasi oo isbadal xiligaasi sameynayay, waxaana ka hortagay oo qaraxa fashiliyay ciidamada ilaalada xaruntaasi kuwaasi oo ka shakiyay ruuxii is qarxiyay.

Inta la ogyahay 4 askari ayaa ku geeriyootay 12 kalana waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo qaarkood dhaawacooda uu halis yahay sida sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Saacado kadib markii uu qaraxa dhacay ayaa waxaa saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay xarunta Villa Baydhabo Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Janaraal C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan, kaasi oo faah faahin ka bixiyay qaraxa iyo qasaaraha uu dhaliyay.

Dhegabadan waxa uu sheegay in qofka is qarxiyay uu isku soo xiray waxyaabaha qarxa islamarkaana uu soo qaatay dareeska ciidamada xooga dalka Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftay in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarkii uu damacsanaa balse markii dambe uu is qarxiyay.

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ayaa qaraxa ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxo uu ku tilmaamay in ay Jid iyo Jaho diidyihiin, kuwaasi oo uu ula jeeday xarakada Al Shabaab.

Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada Xarakada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo warbaahinta Al Shabaab la hadlay ayaa waxa uu sheegay in qaraxa aysan la damacsaneyn hal shaqsi oo kaliye balse ay doonayeen in ay qarxiyaan Villa Baydhabo natiijadaasina ay gaareen sida uu hadalka u dhigay.

Abuu Muscab ayaa sheegay in halkaasi ay ku dileen cida uu carabka ku dhuftay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, isagoo ku adkeystay inay sii wadayaan ugaarsiga ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.