Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Xasan Maxamed Xuseen(Mun-gaab) oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyey qaar ka tirsan saraakiisha Dowlada ciidamadooda in ay caqabad ku yihiin howlaha maxkamada ay Ka Heysay Gudaha magaalada Muqdisho Iyo waliba Qaar Ka Tirsan Furumaha hore ee Dagaalka.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ay ka gaabinayaan in ay soo qabtaan ciidamada dambiyada ka galay bulshada si maxkamada ay u qaado dambiyadooda islamarkaana Loogu Soo Bandhigo SHacbka Soomaaliyeed Iyo waliba Dadka ay Dambiyada ka galeen.
Mun-gaab ayaa sidoo kale xusay in maxkamaddu aysan howlaheeda wadi karin iyadoo aanan ka helin garab Saraakiisha ciidamada maadaama maxkamadu aysan lahayn ciidan gaar Ciidamada ay ku howlgashan ay yihiin Kaliya Kuwa La Doonayo In Iyaga Xitaa uu Xukunka ku Dhaco.
Sidoo Kale Gudoomiye Mun-gaab Ayaa Waxba kama Jiraan ku tilmaamay In uu Shaqdii loo Xilsaaray ka gaabiyey Balse Ay Caqabada ka jirto Qaarka Tirsan Saraakiisha Hogaamiya CiidamadaIsagoona shaaca Ka Qaaday in dhowaan ciidamo ay xukun dil ah ku riday Maxkamada lagu fulin doono xukunkii.
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)