(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga sii daayay maxaabiis badan oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin xilal horey ugu hayay dowladda KMG ah ee Soomaaliya xili uu madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya Shiikh Shariif sheikh Axmed uu cafis u fidiyay Maxaabiis badan oo xabsigaasi ku jirtay
Waxaa xabsiga dhexe ee magaalada muqdisho laga sii daayay Maxaabiis uu madaxweynaha Shalay cafis u fidiyay oo gaaraysay ilaa 74 maxaabiis waxaana lagu soo waramayaa in qaarkood maanta laga siidaayay
Waxaana xabsiga lagu arkayaa Ehelo farabadan oo doonaya in qofka ugu xirnaa xabsiga uu kala baxo waxaana dadka xabsiga laga sii daynayo ku jira Gudoomihii degmadda Kaaraan Cabdulaahi Maxamed Rooble oo isaga horay loogu eedeeyay inuu masuqmaasuqay raashin loogu talogalay dadka barakacayaasha ah
Waxaaa la argayay gudoomayaha oo ehelkiisa ku dhaxjiro mnajiro hadal uu siisyay sxaafada.
Iyadoona Maanta xabsiga ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin farabadan oo Dowladda katirsan waxaana kamid ah wasiirku xigaynka wasaarada garsoorka iyo cadaalada .
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya