(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Dawlada waanka Maraykanka ayaa waxa ay ka soo horjeesatay inay dawlada Kenya ku taageerto hawlgalada Military ee ciidamadeedu ay ka wadaan gobolada koofureed ee wadanka Soomaaliya.
John Kirvy Afhayeenka wasaarada Gaashaandhiga dawlada Maraykanka oo war fidiyeenada kulan ugu qabtay magaalada Washington ee caasimda dalkaasi ayaa waxa uu sheegay inaysan marnaba dawlada Maraykanku aysan Kenya ku taageerayn hawlagalada ay ciidankeedu ka wadaan gobolada Jubooyinka ee koofurta Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Afhayeenkaasi in Xarakada Alshabaab ay yihiin kuwo khatar ku ah ammaanka gobolka geeska Africa taasina uu la socdo Maraykanku hase ahaatee waxa uu sheegay taasi inaysan micneheedu ahayn mar kasta in dawlada Maraykanku ay si shuruud la’aan ah ku taageerayso cid kasta oo la dagaalamaysa Xarakada Al shabaabul mujaahidiin gaar ahaan Kenya oo ka dalbatay maraykanka in lagu taageero hawlgalada ay ciidamadeedu Soomaaliya aka wadaan.
Safiirka Kenya u fadhiya Washington ayaa maalmihii la soo dhaafay u xusul duubayay inuu taageero caalami ah u raadiyo hawlgalad ay ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya balse waxa ay u muuqata inaysan Kenya taageero ka helin Maraykanka oo ay ka filaysay in uu noqdo dawlada ugu horaysa oo ku gacansiisa faragalinta ay ciidamadeedu ka wadaan Soomaaliya.
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya