Madaxweyne shariif oo adids abab gaaray iyo Ethopai oo qorshaheed siyaasadeed ee soomaliaya ku wajahan soo bandhigeyso

0
553

(Wakaalada wararka soomaaliyed Warsom.com)

Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho iyaga oo kusii jeeda magaalada Adis Ababa ee xarunta Ethiopia.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xubnaha socdaalkiisa ku wehlinaya waxaa ka mid ah Wasiirka difaaca Xukuumadda KMG Soomaaliya Xuseen Carab  Ciise iyo Xubno kale oo ka tirsan dowladda KMG ah.

Madaxweyne Shariif iyo waftigiisa ayaa magaalada Adis Ababa uga qayb gali doona kulan maalinta berri ka furmi doona kaasi oo uu soo qaban qaabiyey Urur goboleedka IGAD loogana hadlaayo xaaladaha amni ee Sooomaaliya.

Qodobada diiradda lagu saari doono kulanka berri furmaaya ayaa waxaa kamid ah hawlgalada ay Soomaaliya u galeen Ciidamada Kenya iyo Ethiopia iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka lala gelaayo Al shabaab.

Dhamaadka kulanka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro war murtiyeed muujinaaya natiijooyinka kasoo baxa iyo sidoo kale qaabka loo wajahaayo hawlgalada ka dhanka ah xarakada mujaahidiinta ee Al shabaab.

Dhanka kale dawlada Ethiopia oo ay Ciidamo badan ka joogaan Gudaha Soomaaliya ayaa  horay u diiday in ay  qirato in ciidamo ka joogaan gudaha soomaaliya , waxaana ay xustay in Maalinta Jimcaha ah ay go’aansandoonto kun dhawaaqi doonto hadii ay Ciidamadeedu galayaan Soomaaliya iyo hadii kale Xilligaasi oo uu kulan ay Hogaamiyayaasha Afrika isugu Imaanayaan ka dhici doono Magaalada Addisababa ee Dalka Itoobiya oo ay ku taalo xarunta Midawga Afrika.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa la dhawrayaa Go’aan ay maalinta Jimcaha ah ka qaataan Itoobiya Xubnaha Sare ee dawlada KMG ah ee Soomaaliya, Maadaama xilligaan aragti ahaan ay kala duwan yihiin Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyadoo Gudoomiyaha iyo Xubnaha la socda oo ay kamid yihiin  Xaabsade iyo afaraale oo caan ku ahaan Xilligii  Hogaamiya koxeedyada ka talinta Gobolada Bay iyo Bakool ay hada quudaraynayaan in iyagoo huwan magaca Itoobiya ay dib ugu gurya noqdaan Magaalada Baydhabo oo hada ay gacanta ku hayaan  xarakada Al shabaab 