Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Madaxweynaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga soomaaliyeed C/Nuur Axmed Darmaan Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Mudane Cali Maxamed Nuux Tima Jilic ayaa hambalyo Ku Aadan Ciiddul Adxaa U Diray Dhammaan Muslimiinta Caalamka Gaar ahaan Kuwa Soomaaliyeed Meel Waliba oo ay Dunida Ka Joogan Dal Iyo Dibadba
Labadaan masuul Iyo Dhammaan Masuuliyiinta kale ee XMJS ayaa waxa ay Shacabka Soomaaliyeed U Rajeeyeen In Sanadkaan sanadkiisa Uu Alle Ku gaarsiyo Bash Bahs Iyo Barwaaqo
Sidoo Kale waxa ay Alle Uga baryeen In Soomaaliya Uu Siiyo Nabad Dhibkana Ka Dulqaado Si Loo gaaro Horumar La Mid ah Kuwa ay haatan Ku Tallaabsadeen Dunida Horumartay
Ugu dambeyntii waxa ay Shacabka Soomaaliyeed Ugu baaqeen In ay Ka Fikiraan danahooda Aayahoodana ay Iyagu Ka tashaan Maadaama ay aan Cidna U Maqnayn Ceelna U Qodnayn
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)