(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Muran xooggan ayaa ka taagan qaar kamid ah fariisimada loogu talagalay in ay gobolka Galguduud ka degana Ciidamada Ethiopia ee gudaha u galay qaybo kamid ah gobolkaasi.
Ciidamada Ethiopia ee gudaha usoo galay gobolada Hiiraan iyo Galguduud ayaa loo qorsheeyey in ay gobolka Galguduud ka degaan ilaa saddex aag oo kala ah degmadooyinka Ceelbuur, Cadaado iyo Xaradheere oo Mudug katirsan.
Degmada Cadaado oo kamid ah goobaha loo qorsheeyey in ay degaan Ciidamada Ethiopia ayaa warar hoose warsom.com helayso ayaa sheegyaan inuu ka taagan muran xooggan kadib markii maamulka Ximin iyo Xeeb uu diiday in Cadaado ay fariisin ka dhigtaan Ciidamada Ethiopia.
Maamulka Ahlu-sunna waljameeca ee ka taliya qaybo kamid ah gobolka Galguduud ayaa tiro badan Ximin iyo Xeeb ku eedeeyey in ay xirir dhow la leedahay Al shabaab, diidmada Ximin iyo Xeeb ayaa la sheegay in ay xiriir la leedahay eedaha dhexmara labada dhinac.
Ciidamada Ethiopia ayaa gudaha usoo galay qaybo kamid ah gobolada Soomaaliya gaar ahaana labada gobolka ee Hiiraan iyo Galguduud halkaasi oo ay ka samaysteen fariisimo kala duwan.
Ciidamada Ethiopia ayaa gudaha usoo galay Soomaaliya sanadkii 2006-dii wakhtigaasi oo ay taageeraayeen Dawladdii Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed waxayna 20-kii December-2006-dii dagaal xooggan la galeen Midowgii Maxaakiinta Soomaaliya.
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya