Wakaalada wararka soomaaliyeed warsom.com
Laascaanood : (Sh. M. Network) Dagaal u dhaxeeyey ciidamo ka wada tirsan Maamulka Somaliland oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa la sheegay in maanta uu ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in deegaan hoostaga magaaladaasi uu maanta ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa Maamulka Somaliland.
Dagaalka ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in uu ka dambeeyey kadib markiii ciidamadaasi uu soo kala dhexgalay muran salka ku hayey hub, waxaana la tilmaamay in dagaalkooda uu sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac.
labo ruux ayaa la sheegay inay ku geeriyooday iska horimaadkaasi 4 kalana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo wararka ay sheegayaan in ay ahaayeen ciidamdii dagaalamay, iyadoo wali ay magaalada ka taagan tahay xiisad dagaal ciidamadiina ay is horfadhiyaan.
Ciidamo hor leh oo ka tirsan Somaliland ayaa waxaa la tilmaamay in loo soo diray magaalada Laascaanood si ay u kula dhexgalaan ciidamada dagaalamay, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Somaliland.