wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Kadib markii ay Kooxo hubaysan ay maalintii shalay ay weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Kooxaha weerarka qaaday ayaa waxaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka koonfurta magaalada Gaalkacyo ee uu ka arrimiyo maamulka Galmudug islamarkaana ay ahaayeen koox dhalanyaro ah.
Taasi ayaa waxay dhalisay in maalintii labaad ay xiisado ka jiraan garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo islamarkaana uu hakad ku jirta shaqada garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, waxaana maanta la hakiyey duulimaadyadii kala duwanaa ee garooonka diyaaradaha.
Maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka wada taliya magaalada Gaalkacyo si rasmi ah ugama hadlin shaqo joojinta garoonka iyo sidoo kale shaqaaqada ka dhacday garoonka Gaalkacyo.
Ciidamada ammaanka ee garoonka diyaaradaha oo katirsan kuwa Puntland ayaa maanta la sheegay in hubka lidka diyaaradaha u rideen dhanka xaafadaha koonfuirta magaalada kadib markii ay weerar kale soo qaadeen malayshiyo dhankaasi kasoo jeeda.
Sikastaba xaaladda garoonka Gaalkacyo ayaa cakiran iyadoo dadka deegaanka ay muujinayaan Khal khal iyo jaah wareer
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya