Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)
Mid ka mid ah Hogaanka ciidamada AMISOM ee jooga magaala Muqdisho ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo midowga Africa in ay dhaqaale soo gaarsiiyaan si loo dar dargeliyo howsha ciidamada AMISOM suurtagalna looga dhigo in ay howlgaladooda ku baahiyaan gobolada Dalka Soomaaliya
Iyadoo uu Taliska ciidamada AMISOM horay u codsaday in tirada ciidamadaas oo hada ah 9100 Askari lagu soo kordhiyo ciidamo horleh si tiradooda loo gaarsiiyo ilaa 1200 oo Askari islamarkaana loo xoojiyo cududa ciidamada AMISOM ayaa ka dhawaajiyey in dhaaqaale yaraan ba’ani ay xiligan soo food saartay.
Ciidamada dalalka Burundi iyo Uganda ka jooga Soomaaliya ilaa bishii March ayuu sheegay in aysan helin dhaqaalihii loo qoondeeyey , wax dhaqaale ah oo xiligan loo hayaan ma jiraan ayuu Yeri“ afhayeenka ciidamda AMISOM Col. Paddy
Hogaanka Ciidamada AMISOM Cabashada kasoo yeertay ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowaan dowladaha Djibouti iyo Sierra Leone oo kamid dalalkii horay u balan qaaday in Soomaaliya ay ciidamo nabad ilaalineed keeni doonaan ay shaaciyeen in ay soo dirayaan ciidamo isku darka tiradoodu ay gaareyso ku dhowaad 1600 oo Askari kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya Howlgalada Ka Socoto Dalka Soomaaliya Kaasi oo lala Dirirayo Xarakada Al-shabaab.
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)