Gudoomiye Muun Gaab Oo Xukuno Dil Iyo Xarig Ku Fuliyey 4 Ruux Soona Bandhigay Raashiinkii uu Leexsaday Gudoomiyaha Degmada Kaaraan

0
531

Wararka Soomaaliya (wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee warsom.com)

Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta Xukuno Isugu Jiray Dil Iyo Xarig Ku Fulisya Rag Ku Eedeysnaa Dambiyo Kala Duwan

Gudoomiyaha Maxkamada Mr Muun gaab Oo Maanta U Fariistay Qaadista dacwadaha Loo Haystay Eedeesanayaasha ayaa Ugu dambeyntii Ku Dhawaaqay natiijada Dacwadaasi waxa Uuna Xukun Dil ah Ku Fuliyey Mid Ka Mid 4-tii Ruux oo Ahaa Askari Ka Tirsan Dowladda OoHoray Dil Ugu Geystay Askari kale Waxana Lagu Magacaabi Jiray Yacquub Macallin Axmed oo 23 Jir ah

Sidoo Kale Shaqsiyaad kale ayaa Iyaguna Lagu Xukumay Min Shan Sano Iyo 3 Sano oo Xariga Ka Dib Markii Lagu Soo Eedeeyey In ay Ka Tirsanaayen Xarakada Al Shababa Iyaguna ay Qirteen Marqaatiyaalna Loo Helay

Dhanka kale Muun Gaab ayaa maanta Soo Bandhigay 250 Kiisha Raashiin ah Oo La Sheegay In Uu Leexsaday Gudoomiyihii Degmada kaaran C/laahi Maxmaed Roobe OO Dhawaan Uu Muun Gaab Ku Xukumay 10 Sano oo Xarig ah

Muddooyinkii U dambeeyey ayaa Muun Gaab Iyo maxkamadiisaba waxa ay ahayd Fadhiid Ka Dib Markii ay wada Shaqeyn ka Weysay saraakiisha sar Sare Ee Ciidamada Dowladda Sida Uu Muun gaab cadeeyey

Wararka Soomaaliya (wakaalada wararka Soomaaliyeed Ee warsom.com)