(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
21-Nov.(Warsom) xukuumadda Eritrea ayaa u gudbinayso dacwad ashtako ah qaramada midoobay kadib markii Kenya ay ku eedeysay Eritrea inay gacan siiso Xarakada AL Shabab ee ka dagaalama dalka Somalia. Eritrea ayaa codsanayso in baaritaanno madax banaan ah la sameeyo oo ku aadan sheegashada ay dowladda Kenya sheegayso in dowladda Eritrea ay diyaarado hub sida ay ka dajisay garoomo ay ka taliyaan dhaq dhaqaaqa Al SHabab ee gacanta ku haya inta badan koofurta iyo bartamada Somalia. Wasiirka arrimahada dibadda Eritrea CUsmaan Saalax ayaa yiri in Eritrea ay kalsooni ku qabto inay baaritan lagu sameeyo hadalka xukuumadda Neyroobi ay ku eedeysan Eritrea in ay gacan siiso kooxda AL Shabab ee ka dagaalama gudaha Somalia kuwaas oo lala xiriiriyo inay gacan saar buuxda la leeyihiin ururweynaha AL Qaacida. Ururka AL Shabab ayaa la dagaalamaya dowladda Somalia tan iyo sanadkii 2007 markaas oo ay sidoo kale dagaallo culus la galeen dowladda Ethiopia iyadoo sidoo kale ciidamada Burundi iyo Ugandha ka jooga Somalia ayay dagaallo kula jiraan iyadoo haatan uu socdo dagaal ay kula jiraan qeybo kamid ah gobolada koofureed militariga dowladda Kenya.
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya