Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)
Saraakiisha Ammaanka Dalka Kenya gaar ah Kuwa Gobolka Waqooyi Bari oo ay Soomaalida Ku Badan Yihiin ayaa Shaaca Ka qaaday In ay Xabsiga Dhigeen Rag Fara Badan Oo Lala Xiriirinay Xarakadda Al Shabaab
In Ka Badan 50 Ruux OPo Soomaali ah ayaa waxa La Dhigay Xabsiyo Ku Yaala Magaalooyin Ka tirsan Dalka Kenya Gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari Kuwasoo Dhammaan Looga Shakisan Yahay In ay Xiiro Dhaw Iyo Mid Fogba La lahaayeen Xoogaga Al Shababa
Dadka Ay Xiraan Ciidamada Dalka Kenya ayaa Laga Soo Kala Qabtay Magaalooyinka Mandheera oo Xad La Leh Gobolka Gedo Magaalada Gaarisa OO ah Caasimad Goboleedka Waqooyi Bari Iyo Dhanka Wajeer
Ma Cadda Ilaa IYo Haatn Qaab ay Ciidamada Kenya Ula Macxaamili Doonaan Dadkaan Soomaaliga ah oo ay Gacanta ku Dhigeen Balse Saraakiil U hadashay Kenya ayaa Xusay In ay Baaritaano adag KU Sameyn Doonaan Haddii Wax Lagu Waayana La Sii Deyn Doono
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)