Dowlada TFG-da Oo Sheegtay In Ay Dib U Celinayaan Dadka Ay Abaaraha Ka Soo Barakiciyeen Gobolada Dalka

0
532
 Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)

Gudiga gurmadka Abaaraha Ee Heerka Waziirada ayaa maanta ka dhawaajiyey in ay wadaan qorshayaal ay dib ugu celinayaan qoysaska kasoo barakacay gobolada Dalka ee ku sugan Gudaha Gobolkan Banaadir.

Cabdulahi Xaaji Xasan

oo ah Wasiirka beeraha, xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowlada TFG-da Soomaaliya ayaa sheegay in ay hada wadaan dadaalo oo ay ku doonayaan in ay goboladi iyo magaalooyinki ay ka yimaadeen ku celiyaan dadka ay soo barakiciyeen abaaraha baahsan ee ku dhuftay Qaar ka mid ah gobolada dalka soomaaliya.

Waziirka ayaa carabka ku dhuftay in ay qaban qaabineyynaan sidi ay dib ugu celin laheyeen dadkaani oo badi ah beeraleey iyo xoolaleey marka waxaan rabnaa in ay ka faa,ideestaan xiligan roobka kadibna ay tacbadaan beerahooda Ayuu Yiri Cabdulahi Xaaji Xasan oo ah Waziirka beeraha, xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowlada TFG-da Soomaaliya .

Falkaani ay Dib u celinta dadka soo barakacay ay dowlada iminka Bilowday ayaa waxaa uga horeysay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab oo bishi hore ka daad gureeyey xerada Aala Yaasir ee gobolka Sh/hoose in ka badan 2,000 oo qoys oo ay ku celiyeen meelihi ay ka kala yimaadeen iminkana ay Howlahoodii Ay U Wataam Sidii Hore Iyagoona aysan ka cabaneynin wax Abaar ah Oo Iminka Heysto.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)