Diyaarad Nooca Qaadka Daabusha oo ku soo dhacdey garoonka diyaaradaha Ee Guriceel

0
611

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)

degmada Guriceel ee gobolka Galguduud wararka ay ka heleyso shabakada wararaka soomaaliyeed ee warsom ayaa sheegaya in diyaarad kuwa qaadka Soomaaliya u soo daabula ay kusoo dhacday garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel ee gobolkaasi gal gaduud.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegeen in diyaaradaan oo ah kuwa yar yar ay ku dhacday garoonka wax yar kadib marki ay isku dayday in ay soo caga dhigato islamarkaana ay meeshaasi ku soo dhacdy.

balse Lama oga sababaha keenay in ay dhacdo, laakin wararka qaar ayaa sheegaya in ay ka bayrtey wadada ay ku cararaan diyaaradaha marka ay kacayaan iyo marka ay soo daganayaan ee run way-ga loo yaqaano.

Ilaa iyo haatan wax war ah kama soo bixin maamulka degmada Guriceel ee hoos taga Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka arimiya gobolkaasi.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Mogadisho Somalia)