(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Kadib marii dawlada maraykanka ay diiday inay Kenya kacaawiso dagaalada ay kula jirto xarkada alshabaab ayaa warbixin Dowladda Kenya ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in 750 ruux oo ah dhalinyaro haysta dhalashada dalka Maraykanka ay ku biireen Al Shabaab.
Wakiilka Joogtada ee dowladda Kenya u fadhiya Qaramada Midoobay Macharia Kamau ayaa waxa uu sheegay in dhalinyaro badan oo u dhashay dalka Maraykanka ay ku sugan yihin dalka Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in ay ka bar bar dagaalamaan Xarakada Al Shabaab.
Macharia Kamau ayaa waxa uu shaaca ka qaday in ay dhalintaasi ay tiradooda gaareyso 750 ruux kuwaasi oo heysta dhalashada dalka Maraykanka, waxaana uu sheegay in qaarkood ay falal is qarxin ah ka fuliyeen magaalada Muqdisho
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya