(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Dawlada wadanka Kenya ayaa waxa ay maanta qirtay in saraakiil ka tirsan ciidankeeda lagu dilay gobolada koofureed ee dalka Soomaaliya iyaga oo halkaasi hawlgalo ka wada.
Cornel Cyrus Oguna oo ah Afhayeenka ciidamada Military-ga dowladda Kenya oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxa uu shaaciyay in tan iyo markii ay galeen wadanka Soomaaliya ay ka geeriyoodeen ilaa 8-askari oo ka tirsan Military-ga Kenya.
Isagoo faahfaahin ka bixinaya qaabka ay ciidamadaasi u dhinteen ayaa waxa uu sheegay Cornel Cyrus Oguna in rasaas ay koox hubaysan oo mageceeda uusan sheegin furtay ay ku dhinteen 3-askari halka 5-ta kalena ay ku dhinteen diyaarad Helicopter ah oo dhamaadkii bidhii la soo dhaafay ee October ku burburtay xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.
Afhayeenkan waxa uu beeniyay in askartan ay dileen ciidamada Xarakada Al shabaab, waxaana uu intaasi sii raaciyay in isla rasaastaasi ay ku dhaawacmeen 3-askari oo ka tirsan Military-ga Kenya.