Dagaal beleedyo maanta ka dhacay koonfurta gobolka mudug

0
468

Wakaalda wararka soomaaliyeed warsom.com

 

Dagaal beeleed ayaa maanta oo Arbaco ah dib uga qarxay Koonfurta gobolka Mudug, kaasoo u dhexeeya beelo halkaa wada daga, waxaana dagaalku uu ka socdaa deegaan 5-km galbeed kaga beegan Bacaad-weyne.

Wararka laga helayo deegaanka uu dagaalku ka qarxay ayaa waxay sheegayaan in malleeshiyo beeleedyada hardamaya ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka dib u qabtay maanta.

Dagaal beeleedka dib uga qarxay beelaha daga Camaaro iyo Bacaad-weyne ayaa wuxuu daba socdaa dagaallo horay labadan beelood u dhexmaray, kuwaasoo salka ku haya lahaansho deegaan iyo ceelal biyoodyo.

Ma jiraan wax dadaallo ah oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dirirta u dhexeysa labada beelood ee walaalaha ah, iyadoo dagaalka maanta uu ku qasbay dadkii ku noolaa deegaanka lagu dagaalamayo inay isaga barakacaan.

Waxgaradka labada beelood ayaa dhowr jeer oo hore heshiisyo lagu qaboojinayo dagaalka ku gaaray degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, balse waxaa burburkoodu uu yimid markii ay beel ka mid ah beelaha dagaalamaya weerartay beesha Kale.

Dagaalladii horay u dhexmaray beelahan ayaa waxay sababeen khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed, iyadoo dhaawacyadii ka dhashay dagaalladii ugu dambeeyay ay weli yaallaan isbitaallada Gaalkacyo iyo Cadaado.