(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Ciidamada Ethiopia ayaa maalintii labaad si xoogan ugu soo qulqulaya deegaano ka tirsan gobolda Hiiraan iyo Galguduud ee bartmaha Soomaaliya kuwaasi oo dhowaan loo fasaxay in ay gudaha usoo galaan Soomaaliya.
Maanta ayaa Ciidamo kale oo Ethiopia waxay kasoo gudbeen Isgoyska Kalabayr oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo kale Ethiopian iyo maamulka Dooxada Shabeelle, Ciidamada cusub ee Ethiopia ayaa gudaha usoo galay deegaano kamid ah gobolka Hiiraan.
Wararka Aynu Ka Helayno Galgaduud Ayaa Waxa Ay Shegayaan In Ciidamada Ethopia Ah Ay Gudaha u Soo Galeen Deegaanka Cabud Waaq Ee Gobolka Galgaduud.
Wararka Hordhaca ah ayaa waxa Ay shegayaan In Ciidamada Ethopia Ay yihiin Ciidamo U dhan Qalabkooda Dagaal Waxay dadka deegaanka oo aan La xariirnay Ay Inoo Xaqiijinayaan In Ay indhahooda Ku Arkeen baabuurta Dagaalka Iyo Kuwa Xamuulka Qada ciidanka oo Jiidayo Qor Yahaa BM-ka Ah .
Lamana Oga Ilaa Hada Inay Usii Gudbi Donaan Gobalada kale dalka si ay ula dagalamaan Kooxda Al-Shabaab Iyo Inay Ku baaqi Ahaan Donaan Gobolka Galgaduud Waxayna Imanaysaa Xili Dowlada Ethopia Ay Shaacisay In Gudaha Somaliya Ay Todobaadkaan Gudihiisa Ciidan U Soo Diri Doonto Kuwaas oo kamid Ahaan Dona ciidama Nabad Ilaalinta Ee Amisom.
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya