Ciidamada amisom oo lasheegay dagaalkii kadhacay dagamada dayniile looga dilay 70 askari

0
666

 

(Wakaalada wararka soomaaliyed Warsom.com)

Wargeyska New York Times ee kasoo baxa wadanka Maraykanka ayaa warbixin dheer oo uu diyaariyay waxaa uu ku sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ay ku geeriyooday askar tiradoodu gaarayso 70 askari oo katirsan ciidamada AMISOM ee Muqdisho hawlgalada kawada

Warbixintaan lagu qoray wargeyska New York Times ayaa waxaa uu ku sheegay in baaritaano uu ku sameeyay waxa ka jira sheegashada Shabab ee ah inay dileen in kabadan 100 askari oo AMISOM  ka tirsanaa haddana la ogaaday in 70 askari oo u badan ciidamada Burundi inay ku naf waayeen dagaalkii Dayniile ka dhacay

Wargeysku waxaa uu leeyahay 20, kii October ee sanadkaan waxay aheyd maalin xun oo u madaw ciidamada AMISOM waayo boqolaal ciidamo ah oo AMISOM ka tirsan ayaa subaxaasi u dhaqaaqay dhanka degmada Dayniile halkaasoo ka mid aheyd meelaha ugu dambeeyay ee ay willi ka jiraan maamulada Al-Shabab marka loo eego magaaladda Muqdisho

Capt Arcade Arakaza waxaa uu ka mid yahay ciidamadii hawlgalkaasi ka qeyb qaatay haddase waxaa uu ku jiraa isbitaal ku yaalamagaalada Nairobi kadib markii uuku dhaawacmay dagaalkaasi dayniile ka dhacay waxaana uu ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen

Haween iyo caruur yar yar ayuu sidoo kale sheegay  sarkaalkaasi inay ka qeyb qaateen dagaalkii Dayniile ka dhacay

 

Taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa mid been abuur ah ku tilmaamay  muuqaaladda iyo sawirada ay soo bandhigeen Xarakadda Al-Shabab oo muujinayay meydadka askar badan oo ciidamada AMISOM ka tirsanaa

 

 

 

Tiro badan oo ciidamo ah oo uu sarkaalkaan kamid yahay ayaa ku dhaawacmay dagaalkaasi kuwaasoo qaarkood lagu dawaynayo isbitaalo ku yaala gudaha Soomaaliya iyo magaalada Nairobi

 

Ciidamada AMISOM oo Soomaaliya jooga muddo 4 sano ah hase ahaatee bilihii ugu dambeeyay ayay sameeyeen horumaro dhanka ciidamada ah kadib markii ay ku guuleysteen inay inta badan Muqdisho ka saaraan dagalyahanada Al-Shabab laakiin degmada Dayniile inteeda badan willi Al-Shabab ayaa gacanta ku haya sida wargeysku ku waramayo

 

Tan iyo markii ay Soomaaliya yimaadeen ciidamada AMISOM ee sanadkii 2007 waxaa uga geeriyooday 500 oo askari kuwaasoo u kala dhashay wadamada Uganda iyo Burundi tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen

 

Ciidamada AMISOM hadda waxaa ay wajahayaan dagaal toos ah oo ay kala hortagayaan dagaalyahanada Shabab