(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Xarakada al Shabab ayaa wacad ku martay inay dagaal iska cabin ah la gali doonto ciidamada Itoobiya ee soo galay dalka Somalia.
Sheekh Yuusuf Cali Ugaas oo ah wakiilka xarakada Shabab ee gobolka Hiran ayaa sheegay inay ka hortagi doonaan ciidamada Itoobiya ee shalay soo galay dalka Somalia gaar ahaan gobolada Hiiraan iyo Galgadud.
“ciidamada Cadowgeena ah ee gumaystaha Madow ee Ethiopia ee dhaqdhaqaaqyada ka wada gobolkeena wax wal wal ah kama qabno ayu yiri SHeekh Yuusuf Cali Ugaas oo u waramayay Idaacadda Andulas ee ku hadasha codka Xarakada AL SHabab.
Wuxuu intaa ku daray shiikha inay inay qoorta ku dhufan doonaan ciidamada kusoo gardarooday dhulka Somalia gaar ahaan deegaanada Hiiraan.
Hadalka gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Xarakada AL Shabab ayaa yimid maalin kadib markii Kolonyo ka tirsan ciidamada ay kazoo tilaabeen xad beenaadka soomaliya iyo Etoobiya iyagoo soo galay gobolada bartamaha iyo koofurta Somalia.
“waaan kula dagaalami doonaa habkasto oo aan awoodno ayu intaa ku daray sheikh Yusuf Cali Ugaas oo ku tilmaamay soo galitaanka ciidamada Itoobiya gudaha Somalia mid ay ku doonayso inay ku bur buriso hirgalinta shareecada islaamka.
Ciidamada Itoobiya ayaa kazoo galay gudaha Somalia gobolada Gedo,Hiiraan iyo Galgadudd.
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya