Al-Shabaab Oo Beenisay In ay Iyagu Iyo Koox Burcad badeed Soomaali ah Ku Dagaalameen Magaalada Xaradheere

0
529

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Iyadoo ay Maalinkii Shalay warbaahinta Gudaha ay baahiyeen In Magaalada Xaradheere Uu Dagaal Xoogan Ku Dhex Maray Xoogaga Al Shabaab Iyo Maleeshiyo Hubeysan Oo Taabacsan Masuul Ka Tirsan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa waxaa Hadalkaasi Beeniyey xarakadda Al Shabaab

Sarkaal U hadlay Xoogaga Al Shabaab oo Ku Sugan Magaaladaasi ayaa Shaaciyey In aysan waxba ka Jirin wararka ay warbaahinta Buun Buuniyeen Waxa Uuna Xusay In Ciidamada Xisbada Magaaladasi ay Baacsadeen Ruux La Sheegay In Uu Hubeysan isla Markaan ay Gacanta Ku Soo Dhigeen

Masuulkaan ayaa Waxa Uu hadalkiisa Intaa raaciyey In Magaalada xaradheere ay Tahay Goob Xasiloon oo ay Iyagu Gacanta Ku hayaan mana Jiro ayuu Yiri Maleeshiyaad La dahgaalamay Xoogaga Al Shabaab

Hadalka ka Soo Yeeray sarkaalkaani ayaa Ku Soo aadaya Xili maalinkii Shalay La hadal Hayey In Dagaali Uu Magaaladaasi Ku Dhexmaray Al Shabaab Iyo Maleeshiyaad Uu watay Shaqsiyaadka maal Galiyo Burcad Badeeda

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)