Shir jaraa’id oo ay maanta wada qabteen taliyeyaasha ciidamada qalabka
sida ee soomaaliya kuwa amisom iyo agaasimaha hey’adda nabadsugidda
qaranka dr axmed macalim fiqi ayaa lugu cadeeyey in amniga dalka si
wada jir ah wax looga qaban doono.
Hay’adda nabadsugidda qaranka oo iyadu galaangal dheerad ah u leh
hawlaha amniga maalin kastana soo qabqabata dadka looga shakiyo in ay
amniga wax u dhimayaan ayaa agaasimaheeda guud dr axmed macalim fiqi
wuxuu wacad ku marey in hey’adiisu dardar gelin doonto wax ka
qabashada hawlaha nabadsugida loo igmadey .
Hadalka agaasimaha ayaa imanaya xilli beryahan ay magaalada ku soo
bateen qaraxyo is xig xiga oo galaaftey naf iyo maal aan la soo koobi
karin.
Qaraxyadan ayey hay’adaha amnigu waxey ku eedeeyeen in ay ka
danbeeyaan xarakada mujaahidinta alshabaab oo dagaal kala soo horjeeda
dawladda federalka kmg iyo ciidamada amisom oo garabsiiya dawladda
fkmg lamana oga sida hadalkan wada jirka ah ee ay taliyayaasha
ciidamada iyo agaasimaha nabadsugidda qaranka soomaaliyed uu wax uga
tarayo xaaladda amni daro ee beryahan soo kordheysa