(Wakaalada wararka soomaaliyed Warsom.com)
Maaul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa uu sheegay in dhawaan magaalada Cadaado lagu qabanayo shir wayne lagu midaynayo maamul goboleedyo badan.
La taliyaha dhinaca siyaasada Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Cusmaan Maxamed Cali Socdaal (Cusaam Dhher) ayaa sheegay inuu soo dhawaaday waqtiga la qabanayo shir balaaran oo ka dhacaya magaalada Cadaado ee Caasimada Maamuka Ximan iyo Xeeb Shirkaasi oo Lagu mideynayo Maamul Goboleedyada.
Cusmaan dheere lataliyaha Madaxweynaha dhanka siyaasada ayaa xusay in xilligan hawshu ay ka soo dhamaatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo markii hore xudun u ahayd fukirkan maamul goboleedyada lagu midaynayo, waxaana uu intaa sii raaciyay in wufuuda iyo madaxda shirkan ka qayb galaysa ay ku soo fool leeyihiin magaalada Cadaado, isagoo xusay in Ximan iyo Xeeb kulankan uu muhiimad gaar ah u leeyahay maadaamada caasimadeeda lagu qabanayo shir waynahan, waxaana uu shacabka ka dalbaday inay maamulka arrintaasi kala shaqeeyaan.
Lataliyaha ayaa sheegay in shirkaasi looga xaajoonayao sida ay wax u wada qabsan karaan maamul goboleedyadan ayna u samaysan lahayeen hogaan guud, inkastoo uu xusay inaysan sahlanayn hawshan oo ay u baahan tahay in wax badan la turxaan bixiyo oo laga baaraan dago hadafka lagu midoobayo iyo in wax badan laga shaqeeyo nidaamkii hawshan kala hagi lahaa.
Maamul Ximan iyo Xeeb ayaa bilihii ugu dambeeyay ku hawlanaa isku keenida maamul goboleedyo badan oo ka jira bartamaha iyo koofurta dalka Soomaaliya, waxaana dhawaan la filayaa in shir wayne loogu qabto magaalada Cadaado.