(wakaalada wararka somaiya warsom.com)
Raysal wasaaraha Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dawladda KMG ah ayaa maanta boqoday qaybo kamid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
c/wali Gaas ayaa socod ku maray qaybo kamid ah suuqa Bakaaraha waxaana uu halkaasi ka jeediyey khudbad ku aadan safarkiisa iyo isbedelka ku dhacay suuqa Bakaaraha.
Goobaha Raysal wasaarahu booqday ayaa waxaa kamid ah suuqa Bacadlaha oo uu dhar ka iibsaday iyo suuqa Raashinka waxa uuna halkaasi kula hadlay dadkii ku ganacsanaayey.
Raysal wasaaraha oo la hadlay ganacsatada ayaa soo dhoweeyey amniga buuxa ee xilligan ka jira suuqa Bakaaraha oo ah kan ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya.
Dr C/weli Gaas ayaa booqashada kaddib wuxuu saxaafadda kula hadlay gudaha suuqa bakaaraha, isagoo sheegay in ganacsatada looga baahan yahay inay bixiyaan canshuuraha.
“Ganacsatada xaq ayay u leeyihiin in ammaankooda la sugo, ganacsatada waxaa lagu leeyahay inuu bixiyo canshuurtii dalku uu ku lahaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo sheegay in dowladdu aysan waxba qaban karin canshuur la’aan.
Waa markii ugu horaysay ee uu Raysal wasaaraha Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya uu booqasho ku tago suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo muddo badan ay maamulaayeen Al shabaab.
Aqriso Warsom.com hooyga runta iyo xaqiidada warka soomaaliya