Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Sida Uu Inoo Xaqiijiyay Wariyaha Dalka Kenya U Fadhiyo Shabakada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom (Yaxye Cumar Xasan <Yaa Yaxyaa>) Amaanka Magaalada Nairobi Ee Xarunta Dalkaasi Kenya ayaa faraha kasii baxaya tan iyo markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday in ay duulaan ku gashay gudaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay la dagaalami doonto Xarakada Al-shabaab.
Falalka Qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ayaa kusoo batay magaalooyinka waaweyn ee wadanka Kenya waana taxadigii ugu horeeyay oo ay Kenya wajahday tan iyo duulaanka ay dalka Soomaaliya kusoo gashay.
Magaalada Narirobi ayaa 48 saac gudahood waxaa ka dhacay laba qarax oo lala eegtay muwaadiniin Kenyaan ah iyo waliba dadshacb ah Oo Joogay Meelaha ay Ku Caweeyaan Shacabka Kenyaanka ah
Qaraxa hore wuxuu habeen hore ka dhacay goob lagu caweeyo oo Nairobi kutaal waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac Aad U Farabadan oo Soo Gaaray Dadkii Ku Sugnaa meeshaasi Lala Eegtay Qarayadaasi.
Magaalada Nairobi Ee Caasimada Dalkaasi Kenya ayaa ah mid cabsi leh waxaana feejignaan ku jira Dadka Soomaalia Ah Eek u Ganacsada Xaafada Islii Ee Iyadoona ay ka baqanayaan In Ay Qabtaan Ciidamada Dalka Kenya oo Iyaga Lala Eeganaya Qaraxyadaasi Islamarkaana Ku Soo Kadib Qaraxa Ku So Qamaamaya Shacabka Soomaalida Ah
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)





