Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Kulan Ay Si wadajir ah u yeesheen Madaxweynaha Dowlada TFG-da Soomaaliya Ra’iisulwazaare Gaas Iyo waliba Waziirka Gaashaan Dhiga dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxa ayna kaga hadlayeen Soo galitaanka Ciidamada Kenya ay soo galeen Gudaha Dalka.
Shiikh Shariif Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha dowladda TFG-da Soomaaliya oo Shirka jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu Sheegay inay Kenya ay isku ogaayeen oo kaliya dhanka iskaashiga oo ay kamid ahayd In ay tababaraan Ciidamada Soomaaliya
Sidoo Kale Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inuu san ujeedkooda ahayn in ay ogolaansho Ka Heleen Madaxda qaranka Dowlada Soomaaliya in dalka ay soo galaan Ciidamo Kenyan ah Islamarkaana ay ka dagaalamaan .
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Ra’iisulwasaaraha Dowlada Soomaliya ayaa Isnna waxa uu sheegay inuusan saxiixin in ay Soo galaan Ciidamada Kenya dalka soomaaliya hase yeeshee ay isku ogaayeen inay ka wada dhaxeen doonto iskaashi buuxa Balse Uu Haatan ka war Helay Soo Galida Ciidamada Kenya Ee Soomaaliya
Hadaladaani Ka Soo Yeeraya Dhamaan Madaxda Dalka Soomaaliya Oo Ay Hormuudka U Yihiin Shariif Axmed Iyo C/wali Gaas ayaa ku soo aadaya Xilli Ay Si Sharci Darao Ah ku Soo Galeen Dalka Soomaaliya Ciidamo Ka Socda Dalka Kenya Islamarkaana ay Madaxda Dowlada Kaenya Ku Adkeysanayaan In Ka Sii Dagaalamaan Dalka Soomaaliya
Balse Waxaa Is Weydiin Mudan Dowlada Soomaaliya Haddii ay Dib U Celiyaan Ciidamadii Ka Socday Dowlada Kenya Xiriirkii Wanaagsanaaa Ee Soomaaliya iyo Kenya Halkee Buu Ku Dambeyndoonaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa?
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)