Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Shiikh aadan Madoobe ” Haddii Kenya Ay Wado Maamulka Azaaniya Waxaan Lee Yahay Faraha Kala Bax Soomaaliya Laakiin haddii ay Dowladda Caawinayso Waan Soo Dhaweynayaa”

0
462

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh aadan Maxamed Nuur madoobe ayaa Markii Ugu Horeysay Ka hadlay Fikirkiisa Ku Aadan Duulaankii ay Ciidamada Dalka Kenya Ku Soo qaadeen Gudaha dalka Soomaaliya

Aadan Madoobe ayaa Hoosta Ka Xariiqay In Dowladda Soomaaliya Iyo Kenya Uu Ka Dhaxeeya Xiriir Fiican Isla markaana ay Haboon Tahay In La Sii Xoojiyo Si Buu Yiri Al Shabaab Looga Ciribtiro Soomaaliiya

Sidoo Kale Madoobe ayaa Sharuud Ku Xiray Ogolaanshaha In ay Ciidamada Kena Ku Sii Nagaadaan Soomaaliya Isla Markaan ay Howl Gallo Ka Sameeyaan isagoo Sidaa Kale U Cagan haatiyey Cid Waliba Oo Gacan Ka Geysan Karto La dagaalanka al Shabaab

Haddii Kenya Ay Wado Maamulka Azaaniya Waxaan Lee Yahay Faraha Kala Bax Soomaaliya Laakiin haddii ay Dowladda Caawinayso Waan Soo Dhaweynayaa ayuu Yiri Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe”

hadalka Gudoomiyihii Hore Ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Imaanaya Xili Dowladda dalka Kenya ay Ku Sugan Tahay Ciida dalka Soomaaliya Iyadoo Ay Madaxa dowladda Isku Khilaafeen Soo Galitaanka Ciidamada Kenya Gudaha dalka Soomaaliya

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)