Dibax Bax Loogo Soo Horjeedo Soo Galitaanka Soo Galida Ciidamada Kenya Dalka Soomaaliya Oo Maanta Ka Bilowday Gobolada Ay Maamulaan Al-shabaab

0
413

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Isu soo Bax looga Soo horjeedo soo galitaanka ciidamada Kenya ee ku sugan Jubada Hoose ayaa xiligaan ka soconaya gobolada ay gacanta ku hayaan Xarakada mujaahidiint Al-Shabab.

Banaanbaxa Meelaha ay ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah, magaalooyinka Jowhar, Balcad, Deegaanada Ceelasha Biyaha Duleedka Magaalada Muqdisho ee loo barakacay, magaalada Baydhabo, Kismaayo iyo deegaano kale ay ka taliyaan al-shabaab islamarkaana ay haatanba Dibad Baxaasi ka soconeyso.

Boqolaal Dadweyne ah ayaa banaanbaxa ka soo qeybgalay islamarkaana lagu arkayay wadooyinka waaweyne ee goboladaasi ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin ka tirsan xarakada mujaahidiinta Al-Shabab.

Masuuliyiinta sar sare Ee Xarakada Al-Shabab ayaa ku tilmaamay ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya cadaw doonayo inuu dalka qabsado, iyaga oo ugu baaqay dhamaan shacabka ku dhaqan Gobolada Dalka in ay la galaan Ciidamadaasi Dagaal Ay Ku Timaameen jihaad.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)