Dibad Bax Looga Soo Horjeeday Soo Galitaanka Ciidamada Kenya Laguna Taageerayay Guulaha Ciidamada Dowlada Oo Ka Dhacay Degmada X/Jajab Ee Muqdisho

0
454

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Banaanbax Aad U ballaaran oo lagu taageerayo guulaha ay Gaareen Ciidamada Qalabka Sida Iyo Dhamaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya  oo ay ka qeybgaleen Masuuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay degmada Xamar jajab ee Gobolka Banaadir

Dibad Baxaani Ay Ka Soo Qaybgaleen Kumanaan Dadweyne ah islamarkaana ay soo aboobuleen maamulka cusub ee degmada Xamar Jajab ayaa waxaa lagu taageerayay hadalkii madaxweynaha ee ku aadanaa faragelinta Kenyaay ku hayso dalka soomaaliya

Sidoo Kale Banaanbaxaani ayaa waxaa kaloo Lagu taageereyay guulaha ay ciidamadu ka gaareen howlgalladii ugu dambeeyay ee Lagu  Qabtey Qaarka Tirsan Degmooyinkii ay Ka Talin Jireen Xarakada Al-shabaab Ee Gudaha Gobolka Banaadir.

Maxamed Cali Axmed Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab oo la hadlay shacabkii dibadbaxayaasha ayaa ku amaanay sida ay u muujiyeen dareenkooda wadaniyadeed isagoo faahfaahin ka bixiyay u jedada dibadbaxan ay tahay waxa ay ugu goleeyihiin.

Max’ed Axmed Nuur Tarzan oo isana ah guddoomiyaha GobolkaBanaadir oo halkaasi Ka Jeediyaya Hadal Ayaa waxa uu sheegay In ay Nabada ku jirto Gacanta Shacabka Reer Muqdisho Islamarkaana ayDoonayaan In AyLa Shaqeeyaan Si Ay Amaanka Muqdisho Dib ugu Soo Celino Ayuu Yiri Tarzan

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)