Ciidamada Dowlada TFG-da Oo Maanta Howlgalo Lagu Baarayo Gaadiidka Ka Bilowday Wadooyinka Magaalada Muqdisho

0
552

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Ayaa Maanta Wadooyinka Waaweyn Ee Magaalada muqdisho Islamarkaana Halbowlaha U Ah Dadka iyo GaadiikaIyagoo Ka wada Howlagalo Lagu Baarayo Gaadiidka Isaga Kala Gooshta wadooyinkaasi

Isgoysyada Zobbe,Banaadir,Km 4 iyo qaar kale ayaa laga joojiyey gaadiidka qaada dadweynaha in ay istaagaan agagaarka isgoysyadaas Islamarkaana Loo Cayimay Baro Ay Ku Dajin karaan Rakaabka Doonaya In Ay Ka Dagaan Gaadiidkaasi.

Gaadiidka Mararayay Wadooyinkaas ayaa Ciidamada joojinayay iyagoo baarayay baabuurtaas weydiinayayna wadayaasha gaadiidka halka ay u socdaan iyo meesha ay ka yimaadeen islamarkaana Dib U Sii Fasaxayay.

Ciidamada Dowlada TFG-da oo Iskaashanaya Howlgaladan ha sugida amniga islamarkaana ay ka bilween wadooyinka Iyo Isgoysyada Magaalada Muqdisho ayaa lala xiriirinayaa qaraxyada ka dhacay magaalada muqdisho kuwaasoo lagu eedeeyey dowlada inya Waxba Ka Ogeen Sugida Amaanka Wadooyinka Soo Gala Gudaha Magaalada Muqdisho

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)