Askari Ka Tirsan Dowlada TFG-da Oo Maanta Dad Barakacayaal Ah Ku Rasaaseeyey Gudaha Magaalada Muqdisho

0
456

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowlada TFG-da ee Soomaaliya ayaa manta Dad shacab ah islamarkaana ah Barakacayaal ka soo barakacay Qaar ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya Rasaas Ooda Kaga Qaaday Xerada Rajo ee Ku Taalo Magaalada Muqdisho

1Ruux ayaa ku Geeriyootay in kabadana wey ku dhaawacmeen ka dib markii uu rasaas ku furay Askarigaani ka tirsan dowlada TFG-da Soomaaliya

Barakacyaashaani ku waxyeeloobay rasaasta uu furay askariga ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen qoysas maanta loo qeybinayay gargaar cunto ah oo loogu talogalay qoysaska soo barakacay ee ku sugan xerada Rajo ee Gobolka banaadir.

Sidoo Kale  Askarigan ayaa la sheegay in uu rasaasta furay kadib markii ay bilaabeen dadka barakacayaasha ah in ay boobaan gargarka cuntada la doonayay in loo Qeybiyo.

Mar waliba  Rasaasta ay furaan ciidamada Dowlada TFG-da ayaa ah rasaas nool nool taasina waxa ay sababtaa mar walba in ay dhibaato ka soo gaarto dadka barakacayaasha.
Dadka ku dhaawacmay rasaastan ayaa la dhigey isbitaalada magaalada Muqdisho halkaas oo lagu daweynayo Xaaladdooda Caafimaad.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)