Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)
Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa kasoo horjeestey go’aankii ay Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowlada TFG-da ee Soomaaliya ka istaageen soo gelitaanka ciidamada Kenya oo ay Iyagoon amar ka heysan dowlada soomaaliya ku soo xad gudbay dalka soomaaliya.
Ahlu Sunna ayaa arinkaa ku tilmaamtay in ay tahay mid dib u dhac u keeni karta howlgalada ka socda gobolada ku yaal xuduuda ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan ee lagula dagaalamayo Haatnba.
sheekh Cumar Cabdiqaadir Aadan Gudoomiyaha Golaha Shuurada ee maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray madaxda dowlada ay u arkayaan mid loogu danaynayo Al-shabaab islamarkaana la doonayo in ay Sii jiraan magaca Al-shabaab Oo Iminkaba Gaba Gabo Sii Maraya Ayuu Yiri sheekh Cumar Cabdiqaadir Aadan.
Gudomiyaha Golaha Shuurada Ee Ahlu Sunna ayaa sidoo kale Madaxweyne Shariif ku Eedeyey In Uu Ku Mabda’yahay Xarakada Al-shabaab islamarkaana Uu Haatan Hadalka ka soo yeerey Ay Dhamaan Culumaa’udiinka ah;lu Sunna Cambaarenayaan Hadalkaasi
Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)