Abuu Mansuur Oo Dowlada Kenya Ugu Hanjabay Haddii Ay Dekeda Magaalada Kismaayo Wax Gaarsiiyaan In Ay Al-shabaab Bangiyada Kenya U Doonan Doonaan Lacagaha

0
446

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)

Sh.Muqtaar Robow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah Masuuliyiinta sar sare Ee Xarakada Al-shabaab  Isaga oo ka hadlayey dibad bax weyn oo loogaga soo horjeeday ciidanka Kenya ee soo galay Soomaaliya oo maanta ka dhacay deegaanka Calamada, ayuu Abu Mansuur ugu baaqay dadka jihaad doonka ah ee ku nool geeska Africa in ay yimaadaan Soomaaliya isla markaana ay kala qeyb galaan dagaal jihaad ah oo uu sheegay in ay la galayaan Kenya.

Sidoo Kale Shiikha ayaa ugu baaqay kuwa Mujaahidiinta ku sugan Kenya in ay bambooyinkan yar yar ee aad ku dhibeysaan cadawga iska dhaafa, ee u badala wax ka weyn oo ka nixiyo cadawga Oo Uu Ula jeedo Dowlada Kenya

Hadalkisa ayaa waxa uu kaloo Ku Daray Abuu Mansuur in Ardaydi uu soo taba baray Saalax Cali Nabhan, iyo kuwi Sheekh Usama, la joogo waqtigoodii islamarkaana laga doonayo in ay Gacantoodii Ku halaagaan.

Ugu Dambeytii Ayuu Sh. Abu Mansuur  ugu hanjabay dowlada kenya in hadii Kenya ay waxyeelo u geysato Dekada Magaalada Kismaayo ay Al Shabab lacago u doonan doonaan bankiyada dalka Kenya oo uu ula jeedo in ay Shirkadaha Kenya ku yaala ay Si Xoog ah Lacagaha kaga qaadan dooonaan.

Wararka Soomaaliya ( Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com)