Kulankaan oo ay ka qeybgaleen tiro xildhibaano ah oo taabacsan gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay ugu baaqeen Madaxweyne Shariifka Soomaaliya in uu u hogaansamo sharciga ay dajisteen TFG-da.
Kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano uu ka mid yahay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo sheegay in marka hore ay soo dhaweeyeen Madaxweyne Shariifka Soomaaliya hadana lagaga Baahanyahay in uu isa soo sharaxo isagoo xusay in xildhibaano uu ku leeyahay baarlamaanka isla markaana jeebkiisa ay ku tuhmayaan lacago uuna soo bixiyo lacagaha barkimaha hoostooda ugu jira.
Wuxuuna Xildhibaan Xasan Abshir Faarax uu ugu baaqay Madaxweyne Shariif in uu joojiyo isku dayida ku aadan in uu xoog ku haysto kursiga Madaxweyna nimada Soomaaliya
Xubno kale oo ka tirsanaa Xukuumadii Cumar C/rashiid hadana ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankooda waxay maanta qireen in ay wax ka wadaan abaabulka ku aadan in Augosto ay dhacdo doorashada madaxweynanimada Soomaaliya waxayna xubnihii maanta ka hadlay kulankii magaalada Neirobi ay sheegeen in ay ku dadaalayaan sidoo loo raaci lahaa sharciga u yaal TFG-da
Kulankaani ayaa wuxuu ku soo beegamayaa xilli maalmihii ugu dambeeyay cadaadis balaaran uu saarnaa Madaxweyne Shariifka Soomaaliya kaa soo ka imaanaya xubnaha baarlamaanka soomaaliya iyo beesha caalamka
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641