Wariye Jamal Max’ed Cusmaan Oo Ka Tirsan Channal-4 Oo Soo Bandhigay Barnaamij Wacdaro leh Oo Ay La Dheceen Malaayiin Ka Tirsan Bulshada Caalamka

0
572

Wariyahaan Ayaa Barnaamijkaan waxa uu ka sameeyay Magaalada Muqdisho Kadib Socdaal uu ku yimid Magaalada Muqdisho Wariye Jamaal Max’ed Cusmaan Waxaan barnaamijkaan laga baahiyay TVga Channal 4 Ee Dalka Engariiska Iyadoona laga baahiyay TV-yada Ku Hadla Afka Soomaaliga Qaarkood Waxaan Barnaamijkaan uu Ku saabsanaa Arimaha Sportiga Gaar ahaan Orodada

Barnaamijkaan ayaa waxa uu quseeyay Midka mid ah Dhaliyarada Orodada Ka Qeebgasho Ee Soomaaliya Oo Lagu Magacaabo C/naasir Saciid Oo Ah Orodyahan Ka Qeebgala Orodadii Ka Dhacay Bajiin Islamarkaana Iminka Ku sugan Magaalada Muqdisho Kuna Orda Maalinwaliba Xaalad Qatar ah Iyo Mid xaga Nolosha ah

Wariye Jamaal Max’ed Cusmaan ayaa barnaamijkii Muqdisho uu Ka sameeyay waxaa lagu arkayay wiilkaasi oo ku ordayay Meelo Qatar ah Asagoo Xiligaasii Uu La Socdo Wariyaha Waxaa sidoo kale jirtay in la soo bandhigay Wiilka Aabihiisa Oo ka Xamaalanaya Suuqa Bakaaraha

Sidoo Kale warieye Jamaal Max’ed Cusmaan ayaa Booqday Guriga C/naasir Saciid Oo Si Aad Ah kaga Fog Meesha Uu Ku qaato Aalmiitada waxana Gurigiisa Uu ku yaalaa Deegaanka Suuqa Xoolaha

Jamaal Ayaa Sidoo kale Booqday Istaadiyaha Daboolan ee Muqdisho Waxaan Barnaamijkaan Si weyn ah Ula yaabay islamarkaana la dhacay malaayiin ka tirsan bulshada caalamka Oo Ay ku jirto soomaali waxaa durbadiiba la bilaabay in dhaqaalo loo Uruuriyo orodyahan C/naasir saciid ayadoona loo sameeyay balanqaadyo ku aadan in waxa nolol maalmeedkaasa ah la siiyo inta laga gaarayo Ciyaaraha Olombicada Aduunka oo ka dhacaya magaalada London

Wariye Jamaal Max’ed Cusmaan ayaa Soomaaliya Ka sameeya Barnaamijyo aad U xiiso galiya Bulshada caalamka Ayadoona mudo Dhowrmar ahna la siiyay Shahaadooyin Caalami ah Oo Quseeya Barnaamijyada Quseeyo Dalka soomaaliya

 

 

 

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

*

(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)