Wariya Xuseen Nuur Geesey Oo Ciidamada BS-ta Ku Dalbaday Maamulka Iyo Howl Wadeenada TV-ga Royal Iyadoona Xalay Xabsiga Ku Hooyday

0
825

Wariye Xuseen Nuur Geesey oo ka tirsanaa howlwadeenada Teleefishinkii aflagaadeeyay Suubanaheena Maxamed (SCW) ee Universal ayaa ku soo dalbaday Ciidamada BS-ta ee TFG-da howlwadeenada iyo Maamulka TV-ga Royal qeybta Magaalada Muqdisho

 

Qaar ka mid ah howlwadeenada TV-ga Royal ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com in Abaaraha 12:00 Duhurnimo ay halkaasi soo gaareen Ciidamada BS-ta oo sita gawaarida dagaalka iyadoona halkaasi ay jirdil ugu geysteen Maamulka iyo howlwadeenada TV-gaasi waxayna boobeen qalabkii TV-ga iyadoona xabsiga U Taxaabay qaar ka mid ah howlwadeenada iyo Maamulka TV-ga Royal

Waxaana ka mid Ah Agaasimaha TV-ga Royal ee Magaalada Muqdisho Cusmaan Maxamed Cali Buuwe, Nuur Maxamed Barre oo ah Agaasimo ku xigeenka TV-gaasi Madaxa Farsamada C/qaadir Carab iyo qaar kaloo ka tirsan howlwadeenada TV-gaasi

Warar hoose oo ay heshay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com ayaa sheegaya in dhibaateenta howlwadeenada Royal salka ay ku heyso loolan ay kula jiraan TV-gii aflagaadeeyay Nabigeena Muxamed (NNKH) ee Univeral wuxuuna warka intaa uu ku darayaa in BS-ta Maanta uu soo Adeegsaday Wariye Xuseen Nuur Geesey oo ka mid ahaa howlwadeenada Universal waxayna taas Muujineysaa in gabi ahaanba laga howl badiyay TV-ga aflagaadeeyay Suubanaheena Maxamed (SCW) TV-gaasi oo ku sugan hada qasaaro Ba’an

 

 

 

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

*

(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)